Xaamud maasheeye, wasiiru dawlaha arimaha dibadda ee dawlada ku sheega , xerada qaxootiga kujirta ee somaliya ahaana imaamkii sameeyay waxa loogu yeedho awdalstate, ayaa u yeedhay guulwadahii uu meesha kaga tagay ee Rashiid Xirsi oo hadda madax ka ah waxaa uu Maasheeye uga dalacay wasiiru dawlaha uu imaka yahay. Sababta kulankan muqdishu ayaa warar xogogaal ihi sheegayaan inay keentay sadex arimood oo waaweyn.
1. Waa mida hore , wixii ay dhoobdhoobayeen ee ay ku dhajinayeen magaca dadka degan gobolada awdal iyo salal oo ka shaqayn waayey dibadda iyo gudahaba kadib markii ay qurbojoogta reer awdal ka gilgisheen , muujiyeena isku duubnidooda iyo qaranimadooda ayaa waxay ku kaliftay hogaanka qurbomeer inay hoostagaan dawlada Sheekh Shariif ee iyaduba qoxootiga ah siay jagooyin uga raadsadaan .
2. mida labaad , xaamud maasheeye oo ahaa imaamkii qurbomeerstate oo fadeexad xun la soo dariistay kadib markii la shaaciyay in uu yahay imam ku abtirsada madhabta Shiicada taas oo sumcadiisii hoos u dhigtay kana cabsi qaba inuu waayo booska wasiiru dawlaha ee uu mudaba ku dhuumanayay. markaa si uu u dardar galiyo , iskuna muujiyo ayaa waxa uu u yeedhay saaxiibadii uu kaga yimid makhaayadii qurbomeerstate ee uu mar shidi jirey.
3. mida sadexaad waxa la leeyahay , isqabqabsi lacag yar oo hagbaded ah iyo qabyaalad xoogan oo ka dhexsocota maamulka sare mudaba ayaa waxay keentay inay kala jabaan iyada oo lagu eedaynayo madaxa sare ee qurbomerstate rashiid xirsi inuu si badheedh ah u sheegay inuu kaliya aamini karo wixii qolodiisa ah , wixii ay gacal yihiin iyo dadka ay qaraabo sokeeye yihiin , wasiiro kusheegyadana sidaas uu ku qaybiyay. markaa qayb kamida qurbomeerka oo sida lagactii hagbada ahayd ayaa u baxsaday magaalada muqdisho si wasiir ama xildhibaan mid uun u iibsadaan.
faarax h. allaale










