Xirsi Xaaji Cali oo ahaa xildhibaan kasoo baxay Burco wakhtigii Dahir Rayale xukuumada hayey kuna soo shaacbaxay xaqxagashada shaqsigii aan ahayn beesha dhexe – ayaa waxa markii Silanyo dalka qabsaday loo magaacaby jago wasiirnimo oo aan la garanayn halka ay ka socoto – dabadeed waxa laga dhigay inuu noqdo wasiirka madaxtooyada Somaliland bishii July 2011;
Goortii la magacaabay Xirsi: Anagoo qaybaha kale ku qaadaa dhigi doona halka uu ku socdo!
Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) Markuu Arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda wayn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka, Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan,Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo, Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay.
Waxa uu maanta Digreetooyin Madaxweyne ku magacaabay Wasaaraddo Cusub iyo Wasiiradii xilalkaa buuxin lahaa sidoo kale waxa uu madaxweynuhu isku shaandhayn ku sameeyey Wasii rada iyo Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha Dalka, Halka uu madaxweynuhu Digreeto ma daxweyne Xilalkii kaga qaaday Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska JSL iyo Wasiirkii Hore ee Was aarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha guud ee wasaarada ha, waxaanu madaxweynuhu Magacaabay Masuuliyiintii Xilalkaa buuxin lahayd. Waxaanay kala yihiin sidan
Magacyada Masuuliyiinta Cusub Magacaabida Wasaarada loo magacaabay
1. Cabdirisaaq Cali Cismaan Waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta
2. Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacmay) Waxa loo magacaaba Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta Reer miyiga
3. Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan Waxa loo magacaaba Wasiiru Dawladaha Wasaaaradda Arrimaha Debeda
4. Xirsi Cali Xaaji Xasan Waxa loo magacaaba Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada oo hore u ahaa Cief of cabinet
5. Cabdi Siciid Faahiye Waxa loo magacaaba Wasiirka Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka
6. Maxamed Saqadhi Dubad Waxa loo magacaaba Taliyaha Ciidanka Booliiska JSL
7 Xuseen Axmed Caydiid(Hore u ahaa Wasiirka Hawlaha Guud) Waxa loo magacaaba Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Garsoorka
8. Ismaaciil Muumin Aar(Hore u ahaa Wasiirka Cadaalada) Waxa loo magacaaba Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka
9. Maxamuud Raage Ibraahim Waxa loo magacaaba Agaasiamah Guud ee wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah
10. Axmed Dalal Faarax Waxa loo magacaaba Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada
11. Maxamed Muuse Xaaji Cabdi (Galaydh) Waxa loo magacaaba Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaalada iyo Garsoorka
12. Maxamed Faarax Xirsi Waxa loo magacaaba Agaasimaah Guud ee Wasaarada Deegaanka iyo Horu-marinta Reer Miyiga
13. Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye Waxa loo magacaaba Agaasimaha Guud Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta
14. Siciid Axmed Jibriil Waxa loo magacaaba Agaasiamaha Guud ee Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta
15. Axmed Cilmi Barre Waxa loo magacaaba Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dib-u-dejinta
16. Xasan Cabdi Madar Waxa loo magacaaba Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooya da
Madaxweynuhu isagoo ixtiraam u haya ugana mahadnaqaya mudadii ay xilkaa hayeen balse sunaha dawladnimo ay ku jirto xilka qaadista iyo Magacaabiduba waxa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday
No Magaca Mudanaha Xilka laga qaaday Xilka uu hayey
1. Cilmi Rooble Furre Taliyihii Hore ee Ciidanka Booliiska JSL
2. Maxamed Ibraahim Madar Wasiirkii Hore ee Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka
3. Siciid Cali Wayrax Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
4. Axmed Nuux Caalin Agaasimihii Guud ee Hore ee Macdanta, Biyaha iyo Tamarta
5. Axmed Cabdilaahi Rooraaye Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Dib-u-dejinta
Madaxweynuhu waxa uu Digreetooyinka Magacaabista, Xilka Qaadista iyo isku shaandhaynta ku amray masuuliyiinta ay khusayso in ay sida ugu dhakhsaha badan ula kala wareegaan Xilalka loo igmaday.
ALLAA MAHAD LEH










